Maxeey ka wada Hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Masar.?

Sabti 3 Octobar 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, iyadoo kulankan uu dhinac socday madasha ganacsiga Afrika ee ka socota magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar. Al-Sisi ayaa inta kulankan socday, wuxuu xaqiijiyay

in Masar ay si adag u taageerto madaxbannaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo ilaalinta dhulkeeda, isagoo markaa sheegay in Masar ay doonayso inay sii waddo dhammaan noocyada taageerada ay siiso Soomaaliya.

Isagoo ka hadlaya arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo is-afgaradka iyo wada shaqaynta dhex marta dhammaan dhinacyada iyo qaybaha kala duwan ee Soomaalida, si loo ilaaliyo midnimada dalka, xasilloonidiisa, loogana fogaado caqabadaha amni.

Madaxweyne Xasan, ayaa dhankiiisa uga mahadceliyay Masar taageerada siyaasadeed, amniiyo horumarineed ee ay siiso Soomaaliya. Waxaa kaloo ui ammaanay dadaallada Masar ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Sisi ee lagu taageerayo midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxda dalalka Soomaaliya, Masar, Eriteriya iyo Suudaan oo Kulan ka yeelanaayo xaaladda Geeska Afrika & Amniga Badda Cas.

Sabti 3 October 2026 {HMC} Sida ay sheegtay Madaxtooyada Masar, Madaxda dalalka Soomaaliya, Masar, Eriteriya & Suudaan ayaa yeelanaya shir gaar ah oo kaga...