Maxay maxkamaddu u cuskatay laalista doorashadii ka dhacday Galmudug.?

Isniin 24 Aug 2026 {HMC} Waxay sheegtay maxkamaddu in go’aankeeda ay u cuskatay qodobo dastuuri ah iyo xeerka ama sharciga doorashada ee Soomaaliya ee la ansixiyay.

Gudoomiya Baashe Yuusuf oo go’aankaan ku dhawaaqay, ayaa yiri:

Go’aamada maxkamadda ayaa u dhacay sidatan: “Iyadoo lagu saleynayo qodobka 82-aad ee sharciga doorashooyinka iyo mabaa’diida dastuuriga ah ee doorasho xor, xalaal iyo cadaalad ah.

Maxkamaddu waxay go’aamisay in doorashooyinkii isku sidkanaa ee golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka ee 30-ka Luulyo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug aan loo maamulin ama aan loo qabanin si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka, sidaas darteedna natiijadu ay tahay mid aan ansax ahayn oo waxba kama jiraan ah”

Waxa kale oo uu sheegay in go’aankaan loo cuskaday “Iyadoo lagu saleynayo qodobka 27-aad ee sharciga doorashooyinka iyo waajibka guddiga ka saaran meel marinta iyo ku dhaqanka sharciga, maxkamaddu waxay go’aamisay in khaladaadkii dhacay ay ahaayeen kuwo aan la saxi karin isla markaana dhaawac weyn u geystay hufnaanta xornimada iyo xalaalnimada doorashooyinka, saameyn badanna ku yeeshay natiijadooda”

Qodob kale oo uu ka dhawaajiyay ayaa ahaa “Iyadoo la ilaalinayo xaqa ay muwaadiniinta u leeyihiin doorashooyin toos ah, xor iyo xalaal ah, isla markaana la fulinayo waajibaadka sharci ee ku xusan sharciga doorashooyinka, maxkamaddu waxay amartay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyika qaranka iyo soohdimaha inuu ku qabto wakhtiga ugu dhow doorashooyinka macquulka ah ee doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dolad-goboleedka Galmudug isagoo si dhameystiran u raacaya dastuurka dalka, sharciga doorashooyinka,sharciga dhismaha guddiga, iyo xeerka ururada iyo xisbiyada siyaasadda”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay qodob ah ee hay’adaha haatan xilka haya ay shaqada sii wadaan: “Iyadoo la tix-gelinayo danta guud ee maamulka iyo kahortagga firaaq maamul oo dhaawici kara adeegyada maamul, iyo xasiloonida dowlad-goleedka Galmudug, maxkamaddu waxay amartay in hay’adaha hadda jira ay sii hayaan xilka inta ay ka bedelayaan kuwa ku yimaada doorasho cusub oo loo qabtay si waafaqsan sharciga”.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa saddexdii bishaan August ku dhawaaqay natiijada doorashadii qof iyo cod ee lagu qabtay deegaanno ka tirsan Galmudug.

Xilligaas, ayaa waxaa natiijada cabasho ka muujiyay urur Towfiiq ee dacwadda gudbiyay, kaa oo saluugay nidaam loo qabtay doorashada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Mareykanka oo maanta Suuriya ka saaray liiska dowladaha taageera argagixisada.

Isniin 24 Aug 2026 {HMC} Mareykanka ayaa maanta Suuriya ka saaray liiska dowladaha taageera argagixisada, oo ay ku jirtay tan iyo 1979, taasoo qeyb...