Maxaa ka jiro in uu iscasilaayo madaxweynaha Iiraan.?

Isniin 1, June 2026 {HMC} Dhawr mas’uul oo ka tirsan dowladda Iiraan oo ay kamid tahay afhayeenka dowladda, ayaa beeniyay wararka sheegaya in Masoud Pezeshkian uu iscasilay, iyagoo ku tilmaamtay “warar been abuur ah oo loogu talagalay iin khal-khal lagu abuuro”.

Afhayeenka dowladda, Fatemeh Mohajerani, iyo sidoo kale Elias Hazrati iyo Ali Ahmadnia oo ka tirsan golaha warfaafinta ee dowladda Pezeshkian, ayaa qoraallo kala duwan ku sheegay in madaxweynuhu uu weli gudanayo shaqadiisa, isla markaana uu ku dadaalayo “xallinta dhibaatooyinka dalka.”

Dhanka kale, wakaaladaha wararka ee rasmiga ah ee Iraan ayaa Axaddii daabacay muuqaallo dhowr ah oo muujinaya qaar kamid ah khudbado dhowr ah oo uu madaxweynaha iraan Mr. Pezeshkian ka jeedinayey munaasabado kala duwan oo gudaha dalka ka dhacay,waxaana kamid ahaa shir jiraad uu weriyeyaasha kula hadlayey, kaas oo ku saabsanaa ciyaaraha koobka adduunka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo...