Maxaa ka Jira in Puntland ay u gacan gilisay Itoobiya Dhalinyaro looga Shakiyay ONLF.?

Sabti 13 June 2026 {HMC}  Warar iyo eedeymo isa soo taraya ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu dowladda Itoobiya u gacan geliyay dhalinyaro Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Ururka ONLF, oo waayadii dambe dib u bilaabay abaabul iyo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed.

Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, dhalinyaradan oo tiradooda aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa laga soo qabtay deegaanno kala duwan oo ay Boosaaso kamid tahay, waxaana la sheegay in markii dambe loo gudbiyay dhinaca Itoobiya.

Wararka qaar ayaa intaas ku daraya in dhalinyarada la qabtay ay ku jireen shaqaale ka howlgelayay goobaha laga qodo macdanta dahabka.

Dhanka kale, Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDS) ayaa beenisay eedeymaha la xiriira ONLF, waxayna sheegtay in dhalinyaradaasi ay ahaayeen tahriibayaal si sharci darro ah ku joogay deegaanno ka tirsan Puntland gaar ahaan Boosaaso, kuwaas oo dib loogu celiyay qoysaskooda iyo waalidkood.

Dadka arrimaha Puntland sida gaarka ah ula socda ayaa ku doodaya in haddii eedeymahan cusub ay xaqiiqo noqdaan, ay dib u soo nooleynayaan xusuus murugo leh oo la xiriirta wareejintii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu sameyn jiray iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maamulka Puntland weli si faah faahsan ugama hadlin eedeymahan dhalainyaradan la sheegay in ay gacanta u giliyeen Dowladda itoobiya.

Eedeymahaan ayaa soo baxayaan xilli maalmo kahor wafdi culus oo ka socday Dowladda Itoobiya ay booqdeyn deegaano katirsan Maamulka Puntland kuwaas oo aan la ogeyn ujeedada rasmiga ah ee safarkooda,

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...