Arbaco 26 Aug 2026 {HMC} Wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug ayaa walaac ka muujiyay safarka Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ku tagay degmada Dhinowda ee gobolka Mudug.
Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in booqashada Deni ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah, ayna ka dhalan karto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhex abuuranta deegaannada ay wada degaan bulshada Galmudug iyo Puntland.
Waxay ku doodeen in Dhinowda ay ka tirsan tahay Galmudug, iyagoo Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay inuu booqasho ku tagay deegaankaas isaga oo aan oggolaansho ama is-afgarad kala haysan maamulka Galmudug.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in tallaabada Deni ay ka duwan tahay dadaalladii hore ee lagu doonayay in lagu dejiyo xiisadaha ka jira gobolka Mudug, gaar ahaan colaadaha u dhexeeya bulshada ku nool labada dhinac ee Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda.
Waxay sidoo kale xuseen in Puntland iyo Galmudug ay hore ugu heshiiyeen in khilaafaadka iyo arrimaha amniga lagu xalliyo wada-hadal, iyagoo ka digay in tallaabooyin dhinac keliya ah ay dhaawici karaan dadaallada nabadeed.
Mas’uuliyiinta ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland inuu ka fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta xiisad cusub, halka Dowladda Federaalka iyo labada maamul-goboleedna loogu baaqay inay khilaafaadka xuduudaha iyo maamulka ku xalliyaan wada-hadal iyo hannaan sharci ah.
Madaxweyne Deni ayaaa safar ku tagay deegaanka Dhinowda oo kamid ah degaanada bariga gobolka Mudug. Safarkaan ayaa qeyb ka ahaa safaro uu Deni ku marayo degaanada bariga gobolka Mudug, isagoo u kuurgalayay baahiyaha degaanada.
Madaxweyne Deni ayaa socdaalka uu ku yahay Dhinowda ku sheegay socdaal nabadeed oo uu ugu gogol xaarayo nabadaynta beelaha Dir iyo Sheekhaal oo colaad dhextaalo. Deni ayaa sheegay inuu gogol u dhigay labada beelood si heshiis loo dhex dhigo.

