Masar oo si adag u cambaareysay weerarrada Iran ku qaaday Kuwait iyo Bahrain

Arbaco, Luulyo 8, 2026 {HMC}Dowladda Masar ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada ay Iran ku bartilmaameedsatay dalalka Kuwait iyo Bahrain, iyadoo ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida labada dal iyo khatar sii hurin karta xiisadda ka taagan gobolka.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa lagu sheegay in Qaahira ay weerarradaasi u aragto xadgudub toos ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida Kuwait iyo Bahrain, isla markaana ay yihiin tallaabo halis ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka Khaliijka.

 

Masar ayaa sidoo kale sheegtay inay si buuxda u diiddan tahay fal kasta oo wax u dhimaya amniga dalalka Khaliijka, iyadoo ugu baaqday dhinacyada isku haya colaadda inay muujiyaan is-xakameyn, hoosna u dhigaan xiisadda sii kordheysa.

Bayaanka ayaa lagu xusay in Masar ay garab taagan tahay Kuwait, Bahrain iyo guud ahaan dalalka Khaliijka, islamarkaana ay taageereyso wax kasta oo lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa ugu dambeyn caddeysay in amniga dalalka Khaliijka uu qeyb ka yahay amniga Masar iyo kan guud ahaan gobolka, iyadoo adkeysay in aan la aqbali karin weerarro sii kordhiya qalalaasaha iyo khatarta amni ee Bariga Dhexe.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...