Jimco 4 Sep 2026 {HMC}Â Â Dowladda Masar ayaa sheegtay inay dib u xoojisay xiriirrada ay la leedahay Soomaaliya iyo Yemen, si loo dedejiyo sii-daynta 8 badmaax oo Masri ah oo lagu hayo markab ku sugan meel u dhow xeebaha Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo iyo xiriirro diblomaasiyadeed oo xooggan, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo badbaadada badmaaxiinta iyo in sida ugu dhakhsaha badan dib loogu soo celiyo dalkooda.
Masar waxay sheegtay in haatan ay xiriirro joogto ah la leedahay mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Yemen, si loola socdo xaaladda badmaaxiinta, loona hubiyo in la siiyo baahiyahooda aasaasiga ah iyo xaalado nololeed oo ku habboon inta ay dhibaatadu xal ka gaareyso.
Sidoo kale, Qaahira waxay sheegtay inay xiriir la sii waddo shirkadda leh markabka, iyadoo ku cadaadinaysa inay gudato waajibaadkeeda, si loo fududeeyo sii-daynta muwaadiniinta Masaarida, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa faray hay’adaha ay khusayso inay sii wadaan dadaallada dhammaan waddooyinka diblomaasiyadeed, si loo xaqiijiyo badbaadada muwaadiniinta Masaarida loona dedejiyo sii-dayntooda.
Arrintan ayaa soo bilaabatay 11-kii May 2026, markaas oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ay xaqiijisay in markab shidaal oo ay saarnaayeen 8 badmaax oo Masri ah lagu afduubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.
Masar ayaa xilligaas safaaraddeeda Muqdisho ku amartay inay qaaddo tallaabooyin lagu xaqiijinayo badbaadada badmaaxiinta iyo sidii loo heli lahaa sii-dayntooda.
Weli ma cadda waqtiga saxda ah ee la filayo in badmaaxiinta Masaarida la sii daayo, iyadoo dowladda Masar ay sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada diblomaasiyadeed ee arrintan lagu xallinayo.

