Mareykanka oo war ka soo saaray sheegashada Iran ee ah in ay qabsatay Markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanku.

Talaado, 8, Sep 2026 {HMC} Taliska Dhexe ee ciidamada Maraykanka, CENTCOM, ayaa BBC uga jawaabay sheegashada Iran ee ah inay “qabatay” gujis Maraykanku leeyahay oo aan naaquuda lahayn , kaas oo ku sugnaa marin-biyoodka Hormuz.

Afhayeenka CENTCOM, Kabtan-Leytenant Tim Hawkins, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in gujis ka tirsan ciidamada badda Maraykanka ay cilad farsamo ku timid in ka badan hal maalin ka hor.

“Gujisku wuxuu ku guda jiray roondo biyaha aaggaas, isagoo taageeraya hawlgallada socda,” ayuu yiri.

Waxa uu intaa ku daray in gujiskaasi ahaa nooc hore oo aan ururin xog xasaasi ah, isla markaana uusan sidin qalab raadaar ama dareemayaal sir ah.

“Hawlgallada Maraykanka ee biyaha gobolka ayaa weli socda,” ayuu yiri Hawkins.

Saacado ka hor, wakaaladda wararka Fars oo xiriir dhow la leh Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay inay “qabatay” gujis Maraykanku leeyahay oo ah nooc casri ah.

Fars ayaa sheegtay in gujiska uu ka mid yahay “gujisyada aan naaquudaha lhayn ee ugu casrisan uguna caqliga badan” ee ciidamada Maraykanka.

Wakaaladdu waxay sidoo kale sheegtay in gujiska lagu qabtay “albaabka laga galo” marin-biyoodka Hormuz.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...