Mareykanka oo qabtay labo nin oo watay boorsooyin lagu soo qariyay Qaad gaaraya 385 kg,

Jimco , 21 August 2026 {HMC} Ciidanka kastamka iyo ilaalinta xudduudaha Mareykanka ayaa ku qabtay garoonka diyaaradaha Baltimore ee gobolka Maryland, labo nin oo boorsooyin ku soo qariyay Qaad gaaraya 385 kg oo qiimihiisa lagu qiyaasay boqol kun oo doolar ($100,000).

Labada nin ee Qaadkan waday waxaa lagu sheegay inay ahaayeen muwaadiniin Mareykan ah oo ka yimid London, halkaa oo la filayo inay tahay goobta ay ka soo qaadeen.

Dhacdadan ayaa ku soo aadday toddobaad ka dib markii sidan oo kale isla garoonkaas lagu qabtay in ka badan 165 kg oo Qaad ah oo laga helay boorsooyin ka yimid London. Labada qabasho waxay isku geyntoodu noqotay in ka badan 550 kg oo qaad ah, muddo toddobaad gudihiis ah.

Ka dib , dhacdadaan maxaa ku soo dhacay maskaxdaada? Yay kula tahay inay ku dhiirran karaan tiradan badan oo Qaad ah inay boorsiiyin ku qaadaan?

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo...