Mareykanka oo maanta Suuriya ka saaray liiska dowladaha taageera argagixisada.

Isniin 24 Aug 2026 {HMC} Mareykanka ayaa maanta Suuriya ka saaray liiska dowladaha taageera argagixisada, oo ay ku jirtay tan iyo 1979, taasoo qeyb ka ah dadaalka maamulka Trump ee lagu fududeynayo cunaqabateynta dowladda cusub ee Dimishiq.

Washington ayaa sidoo kale Hay’at Tahrir al-Sham (HTS) ka saartay liisaska argagixisada iyo cunaqabateynta. Kooxdan waxaa hore u hoggaamin jiray Madaxweynaha hadda ee Suuriya, Ahmad al-Sharaa.

Tallaabadan ayaa meesha ka saaraysa caqabado waaweyn oo saarnaa maalgashiga, macaamilka maaliyadeed iyo iskaashiga amniga ee Suuriya. Isbeddelkan ayaa yimid kadib ridistii Bashar al-Assad iyo xiriirka cusub ee u dhexeeya Washington iyo dowladda al-Sharaa.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

RW Xamsa oo amar ku bixiyay in hubka laga xakameeyo waddooyinka Muqdisho.

Axad, 13, Sep 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa faray laamaha amniga inay adkeeyaan xakamaynta hubka lagu dhex qaato magaalada Muqdisho,...