Khamiis 18, June 2026 {HMC} Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyey in la qaaday xanibaaddii badda ee lagu hayay dhammaan gaadiidka badda ee galayey ama ka baxayey dekedaha Iran.
Bayaan uu soo saaray, ayuu ku sheegay in “dhammaan hawlgalladii ciidamada Maraykanku ku dhaqan-gelinayeen xanibaadda la joojiyey”, isla markaana ciidamada Maraykanku aysan mar dambe “carqaladaynayn ama hor istaagayn socdaalka maraakiibta u socda ama ka imanaya dekedaha Iran” ee ku sugan Gacanka.
Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyey:”Maraakiibteenna waaweyn ee ciidamada badda waxay sii joogi doonaan deegaanka guud si loo hubiyo in dhammaan qodobbada heshiiska la raaco, loo hoggaansamo, isla markaana ay si buuxda u sii jiraan una dhaqan galaan.”

