Mareykanka oo cunaqabatayna ka qaaday shirkadda diyaaradaha Ciraaq ee Fly Baghdad Airlines.

Arbaco 5 August  2026 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa maanta cunaqabatayna ka qaaday shirkadda diyaaradaha Ciraaq ee Fly Baghdad Airlines iyo laba ka mid ah diyaaradaha ay leedahay ee nooca Boeing 737.

Shirkadan ayaa lagu daray liiska cunaqabateynta bishii Janaayo 2024, ka dib markii lagu eedeeyay inay gacan siinaysay Ciidanka Quds ee Ilaalada Kacaanka Iiraan, oo ay ku jirto inay qaaday hub iyo dagaalyahanno loo dirayay Suuriya iyo Lubnaan si ay u taageeraan kooxaha ay Iiraan taageerta sida Xisbullah.

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka oo go’aankan ku dhawaaqday ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in tallaabadani tahay go’aan maamul oo farsamo, isla markaana aan loo qaadan karin isbeddel ku yimid siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Iiraan ama Ilaalada Kacaanka

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...