Maraykanka oo si uu isku difaaco ka been abuuranaya Cumar Cartan..

Arbaco, 10 June 2026 {HMC}. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay u diidday garsooraha Soomaaliyeed ee kubadda cagta, Cumar Cabdulqaadir Cartan, inuu galo dalkaasi si uu uga qeyb galo tartanka Koobka Adduunka, kadib markii baaritaanno dheeraad ah lagu ogaaday waxa ay ku tilmaantay “xiriirro lala leeyahay xubno looga shakisan yahay ururro argagixiso.”

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in muwaadin Soomaali ah oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Miami isagoo ka yimid Istanbul Sabtidii la soo dhaafay loo aqoonsaday inuusan u qalmin gelitaanka Mareykanka sababo la xiriira walaacyo amni.

Sarkaal ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa sheegay in baaritaanno dheeraad ah oo ay sameeyeen Ciidanka Ilaalada Xuduudaha iyo Kastamyada Mareykanka (CBP) lagu helay xog taban oo ay ku jiraan xiriirro lala leeyahay shaqsiyaad looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin ururro argagixiso.

“Maamulka Madaxweyne Trump ma oggolaan doono in qof kasta oo khatar amni ah uu soo galo dalkeenna,” ayuu yiri sarkaalkaasi.

Go’aankan ayaa yimid iyadoo siyaasadaha adag ee socdaalka ee Mareykanka ay walaac ka abuureen qabanqaabada Koobka Adduunka, maadaama sanadkii hore Mareykanku uu xayiraad socdaal ku soo rogay muwaadiniinta 12 dal, oo Soomaaliya ay ku jirto.

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya (SFF) ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdadan, isagoo sheegay in magacaabista Cumar Cartan ay ahayd guul taariikhi ah oo ka dhalatay sannado badan oo dadaal, xirfad iyo daacadnimo ah. SFF ayaa sidoo kale xusay in aysan weli helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta loogu diiday gelitaanka Mareykanka.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...