Maraykanka oo ku dhawaaqay in oo soo afjaray weerarradii Militari ee Iiraan ku qaadayay

Arbaco, 10 June 2026 {HMC}.Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay soo gabagabaysay weerarradii ka dhanka ahaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Washington ayaa shaacisay in weerarrada jawaabta ahaa lagu beegsaday goobo muhiim ah.

War kasoo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee loosoo gaabiyo CENTCOM ayaa lagu sheegay in muddada howlgalladaas ay socdeen la beegsaday Talisyo muhiim u ah Dowlada Iiraan waa sida hadalka loo dhigay.

Washington ayaa xustay in ay kordhinayso feejignaanteeda iyada oo ku goodisay in ay jawaab kale bixin doonno haddii markale ay Iiraan duullaan ku qaaddo talisyada, Diyaaradaha iyo Danaha Maraykanka ee Gobolka.

Iiraan ayaa soo ridday Diyaarad ay leedahay Dowladda Maraykanka, waxa ay taasi dhalisay falcelin ka timid dhinaca Maraykanka oo duqeeyay goobo kala duwan oo Dalkaas kamid ah, waxaana hakad muddo kooban uu ku yimid xabbad-joojintii taagnayd.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Rw Xamse oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistaan.

Muqdisho, 22 Sep 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Pakistan...