Maraykanka ayaa sheegay in Maraakiibta ka gudubta Marinka hormuz in ay safarkooda sii wataan

Jimco, July 17, 2026 {HMC} Maraykanka ayaa sheegay in Maraakiibta ka gudubta Marinka hormuz in ay safarkooda sii wataan isla markaana ay dhankooda sameeyeen howlgallo culus oo ka dhan ah Iiraan si uu ku warramay Afhayeenka Taliska Dhexe ee Ciidanka CENTCOM, Kabtan Tim Hawkins.

Waraysi uu siiyay Teleefishinka Aljazeera waxa uu ku sheegay in uu furan yahay Marinka Hormuz oo uu xusay in ay gudbi karaan Maraakiibta Shidaalka oo 20% ka gudubta marinkaas oo ah meel muhiim u ah isu gudubkooda.

Hormuz waxaa muddooyinkii dambe marayay Maraakiibta fasaxa weydiista Iiraan halka kuwa iska indhatira ay weerarro kala kulmayeen ciidanka Ilaalada Kacaanka Jamhuuriyadda Islaamiga oo dhowr jeer weeraray Maraakiib iyo Doomo.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa u digay Maraakiibta diidan inay u hoggaansamaan amarrada dhankooda ay bixinayaan haddii ay ka dhega-furaystaana ay la kulmi doonnaan beegsi sida uu hadalka u dhigay.

Iiraan ayaa ku adkaysanaysa fasaxeeda keliya looga gudbi karo Marinka Hormuz, ciddii diida ayay ku wargelisay in ay qaadan doonto dhibaato weliba oo kasoo gaartay weerarrada ay u qorsheysay in ay ku beegsato.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...