Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka jawaabay Hadalada Trump.

Sabti 13 June 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka jawaabey hadal dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo si weyn ugu gefay dadka Soomaalida ah.

Donald Trump ayaa hadal uu dhowaan jeediyay ku weeraray Soomaalida, isagoo ku sifeeyay dalkoodana:

“Soomaaliya waa dalka ugu xun dunida; waa dal aan dastuur lahayn, boolis lahayn, nidaamna lahayn. Waxa keliya ee Soomaaliya ka jira waa dad is eryanaya oo is rasaaseynay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: “Horta, anaga Mareykanka dagaal nagalama dhaxeeyo.

Madaxweynaha Mareykanka waxay fiicnaan lahayd in la weydiiyo waxa uu Soomaalida ka wado; ma Soomaalida Mareykanka deggan ayuu u
jeedaa, mise Soomaalida joogta dalka Soomaaliya?”

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay iyadu u madax-banaan tahay siyaasadeeda gudaha iyo dibaddaba, isagoo caddeeyay in xiriirka labada dowladood uu yahay mid xooggan, wuxuuna yiri: “Dowladda Mareykanka iyadaa u madax-banaan siyaasadeeda.

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka waa uu fiican yahay; way jiraan meelo gaabis uu ka jiro, laakiin Mareykanku wuxuu na siiyaa taageero weyn oo ay ugu horreyso dagaalka argagaxisada.”

Haddalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujinaya in uu macno badan laheeyn hadalka Trump uu wax uga sheego dadka soomaaliyeed .

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...