Madaxweyne Xasan Shiikh oo guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay arrimaha amniga, doorashooyinka.

Thursday 30 July 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay arrimaha amniga, doorashooyinka madaxa-bannaan ee dalka ka socda iyo dimuqraadiyadda.

Kulanka Golaha, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muujinayaa howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay sameeyeen iyo guulaha la xaqiijiyay, kuwaas oo jab weyn soo gaarsiiyey Khawaarijta.

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Diiwaangalinta iyo Rukhsad-siinta Ganacsiyada iyo Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Agaasinka Guud ee Arrimaha Diinta ee Madaxtooyada Turkiga iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Yemen oo sheegtey in Soomaali ay ka barbar dagaallamayso kooxda Xuutiyiinta.

Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Dowladda Yemen ayaa sheegtey in Soomaali ka barbar dagaallamayso oo ku jirto kooxda Xuutiyiinta, sida ay qortay jariiradda TheNational...