Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah, oo isku xiri doonta Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud iyo Magaalada Baydhabo.

Isniin 6 July 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah, taasi oo isku xiri doonta Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud iyo saldhigga dhexe ee magaalada Baydhabo.

Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku horumarinayaan kaabeyaasha dhaqaalaha, fududeynta isu socodka bulshada iyo gaadiidka, kor u qaadista adeegyada magaalada iyo dardargelinta koboca ganacsiga.
DHAMMAAD

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo gaaray Dalka Shiinaha.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...