Madaxweyne Xasan Shiikh oo dallacsiiyay min hal darajo saraakiil ka tirsanaa Ciidanka XDS oo ku geeriyooday gobolka Jubbada Hoose

Isniin 22, June 2026 {HMC} Madaxweynaha JFS ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dallacsiiyay min hal darajo saraakiil ka tirsanaa Ciidanka XDS kuwaas oo ku shahiiday furimaha hore ee gobollada Jubbada Hoose iyo Baay iyagoo difaacaya midnimada iyo qaranimada dalka, kadib markii uu soo jeediyay Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud. Saraakiishaas ayaa kala ah:-

1. Shahiid Ex G/le Dhexe Yoonis Aadan Xasan, Taliyihii hore ee Guutada 9-aad, Qaybta 60-aad Ciidanka Dhulka XDS, kaas oo loo dallacsiiyay darajada G/le Sare.

2. Shahiid Ex G/le Cali Cadow Maxamed, Taliyihii hore ee Guutada 8-aad, Qaybta 60-aad Ciidanka Dhulka XDS, kaas oo loo dallacsiiyay darajada G/le Dhexe.

3. Shahiid Ex L/X/le Ibraahim Shuuriye Nuur, Taliyihii hore ee Hurinta Gaarka ah ee Danab Jubooyinka kaas oo loo dallacsiiyay darajada Dhamme.

Dallacaaddan ayaa ku timid kadib markii Taliska Ciidanka XDS uu u aqoonsaday saraakiishan geesiyaal naftooda u huray qarankan, kuna shahiiday iyagoo difaacaya dalka, dadka, diinta iyo calanka.

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Alle SWT uga baryay saraakiishan in uu ka aqbalo shahaadadooda, kana waraabiyo Janatul Firdowsa.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...