Madaxweyne Xasan Sheekh oo Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Darin LaHood oo ka tirsan Aqalka Golaha Wakiillada Dowladda Mareykanka,

Talaado 28, July 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xildhibaan Darin LaHood oo ka tirsan Aqalka Golaha Wakiillada Dowladda Mareykanka, kaasi oo safar shaqo kusoo gaaray dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada xoojinta nabadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo arrimaha kale ee ganacsiga iyo dhiiragelinta maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Mareykanka taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, isaga oo adkeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo xaqiijinta jawi amni oo horseeda maalgashi iyo horumar.

Dhankiisa, Xildhibaan Darin LaHood ayaa bogaadiyey horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dib u dhiska hay’adaha dowladda, xasillinta dalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo wada-shaqeynta u dhexeysa labada dal.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Shimbir ka soo duushay dalka Hungary oo 5,180km kaddib ku dhimatay degaanada Puntland.

Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Shimbir ka mid ah kuwa guur-guura ee u kala goosha qaaradaha Afrika iyo Yurub ayaa ku geeriyootay deegaanka Dhuudo ee...