Madaxweyne Trump ayaa mar kale dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha xilka ka degaya ee Britain,

Talaado, Juun 23, 2026 –{HMC} Madaxweyne Trump ayaa mar kale dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha xilka ka degaya ee Britain, Keir Starmer, kaasoo iscasilay Isniintii.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiska Oval-ka (Oval Office), ayuu Mr Trump ku eedeeyay Sir Keir inuu sababo deegaan dartiis uga faa’iidaysan waayay kaydka saliidda ee badda Waqooyi (North Sea).

 

Waxa uu intaa ku daray in Mr Starmer uu “wax is gaarsiiyay” marka la eego siyaasaddiisa socdaalka iyo dambiyada.

Xiriirka labada hoggaamiye ayaa xumaaday ka dib markii Britain ay taageeri weyday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iiraan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa u mahad celisay Mr Starmer dhanka xoojinta amniga Yurub iyo kan Ukraine.

Mar soii horeysay, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay Keir Starmer inuu yahay “nin wanaagsan” iyo “nooc saaxiib” oo uu “leeyahay, balse wuxuu dhaliilay habkiisa ku aaddan tamarta, socdaalka iyo dambiyada.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...