Axad 23 Aug 2026 {HMC} Dhul boobka xargaha goostay iyo barakicinta joogtada ah ee lagu hayo bulshada caasimadda waa masiibo halis ah. In saq dhexe guryohooda lagu kor dumiyo muwaadiniin isugu jira carruur, haween, waayeel iyo qoysas danyar ah waa fal bahalnimo ah oo ka fog damiirka bani’aadannimo iyo dareenka Muslimnimo.
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waxaan ugu baaqaynaa in uu si degdeg ah u joojiyo dhul boobka, barakicinta shacabka iyo adeegsiga sharcidarrada ah ee ciidamada iyo hay’adihii dowladda oo uu ka dhigay aalad uu ku barakiciyo, marna ku cabburiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu dulmiyey.
Ma jiro qiil iyo marmarsiinyo uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu u heli karo in uu muwaadiniin Soomaaliyeed habeen madow guryahooda xoog uga saaro, hantidoodana uu hortooda ku burburiyo, isaga oo ciidamadii qaranka u adeegsanaya.
Ugu dambayn, waxaan garab taagannahay qoysaska guryahooda laga dumiyey, kuwa la barakiciyey iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Muqdisho ee la dulmiyey, kuwaas oo u taagan difaaca xaqooda iyo karaamadooda.


