Arbaco 12 Aog 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweyay siideynta Sacdiya Macalin Cali oo loo yaqaan (Sacdiyo Bajaaj), taasoo muddo kiiskeedu uu taagnaa.
Waxaa uu sheegay in muddadii ay xirneed lagula kacay gabadood fallo aaney sii deyntu meesha ka saari karin.
Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Waa tallaabo soo dhoweyn mudan, balse ma tirtirayso gabood-falkii lagula kacay, xariggii dheeraa iyo sida hay’adaha dowladda loogu adeegsanayo caburinta dhallinyarada Soomaaliyeed,”.
Wuxuu intaas ku daray: Dhallinyarada Soomaaliyeed lama cabsi gelin karo, lama aamusiin karo, mana aha dad lagu hoggaamin karo cadaadis iyo dano shakhsi ah, waxa ay leeyihiin awood, karti iyo rabitaan ay ku xaqiijin karaan Soomaaliya horumarsan”.

