Madaxweyne Deni oo Gaalkacyo kula kulmay saraakiisha ciidanka Puntland ee ku sugan Gobolka Mudug.

Sabti 8 Aug 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland ee ku sugan Gobolka Mudug.

Kulanka waxaa ka qaybgalay saraakiisha ciidamada kala duwan oo ay hogaaminayaan Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi, Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Puntland, G/sare Maxamuud Cabdulqaadir Xasan, iyo saraakiil-xigeenno ka tirsan ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda nabadgelyada Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland, iyadoo la iska xog-waraystay xaaladaha amni iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasilloonida.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa saraakiisha ciidamada kula dardaarmay adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida Puntland, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta, feejignaanta iyo gudashada waajibaadka ka saaran sugidda amniga iyo badbaadada shacabka.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey xubno ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Puntland.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarada Lagu Qaaday Dalka Sacuudiga.

Talaado, 8 Seb 2026 {HMC} — Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarrada ay maleeshiyada Xuutiyiinta ku qaadeen goobo rayid iyo xarumo...