Cadaado, Agoosto, 16, 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta safar dhulka ah kusoo gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud.
Madaxweynaha ayaa safarkiisa u kuurgalka nolosha bulshada iyo amniga deegaanka, subaxnimadii hore ka soo bilaabay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, isla markaana soo maray deegaannada Xananbuure iyo Godinlabe, waxaana galabta boqolaal ka mid ah bulshada degmada Cadaado si diiran ugu soo dhoweeyeen fagaare ku yaalla bartamaha magaalada.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada Cadaado kula hadlay goob fagaare ah ayaa ku ammaanay isku duubnida, ilaalinta nabadda iyo taageerada dowladnimada, isaga oo ugu baaqay in ay si buuxda uga qayb qaataan halganka kama dambaysta ah ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana garab istaagaan ciidamada Soomaaliyeed ee u taagan xoreynta dalka iyo difaaca shacabka.

