Madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada Doha kulan kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar.

Doha, 14 Luulyo, 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa Qasriga Lusail kulan kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, isagoo uga tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Aabihii Amiirkii hore Marxuum Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda Qatar xilligan murugada leh, isaga oo u rajeeyay Amiirka, qoyska boqortooyada iyo shacabka reer Qatar samir iyo iimaan, isla markaana Alle uga baryay marxuumka inuu ku waraabiyo janatul Firdowsa.

Dhankiisa, Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tacsida iyo garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay weli ku howlan tahay baaritaannada qaraxa ka dhacay xero ciidan ee ku taalla Viacha

Talaado 8, Sep 2026 {HMC} Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay weli ku howlan tahay baaritaannada qaraxa ka dhacay xero ciidan ee ku taalla...