Madaxweynaha Soomaaliya, oo maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirro cusub oo ka socday Toddobo dal.

Arbaco 19 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirro cusub oo ka socday Toddobo dal.
Safiirrada cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:
1-Danjire Mohamed Alim – Aljeeriya
2-Danjire Joao Alfredo Dos Anjos – Brazil
3-Danjire Dr. Adarsh Swaika – Hindiya
4-Danjire Dr. Madou Diallo – Mali
5-Danjire Aung Min Oo – Myanmar
6-Danjire Danlami Ibrahim – Nigeria
7-Danjire Aqsa Nawaz – Pakistan

Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha ka dhageystay warbixinno ku saabsan qorsheyaashooda iyo mudnaantooda ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiirrada cusub u rajeeyay in muddada ay xilalkooda hayaan ay kaalin wanaagsan ka qaataan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga siyaasadeed, dhaqaalaha, horumarinta, amniga iyo arrimaha bulshada.

Dhankooda, safiirrada cusub ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay farriimo iyo salaan ay ka sideen madaxda dalalkooda, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay ka shaqeynta horumarinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Masar oo Muqdisho ka soo dajisay 8 Badmaax oo laga soo daayay Kooxaha Burcad-badeeda Soomaali ah

Sabti 3 October 2026 {HMC} Dowladda Masar ayaa Muqdisho ka soo dajisay 8 Badmaax oo laga soo daayay Kooxaha Burcad-badeeda oo Xeebaha Maamulka Puntland...