Madaxweynaha Somaliland oo la xajiiqiyay in uu maanta booqasho rasmi ah ku tagayo Israa’iil

Axad 14 Juun 2026 {HMC} Safiirka Somaliland ee Israa’iil, Maxamed Hagi, ayaa shaaciyey in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu maanta si rasmi ah u gaadhayo dalka Israa’iil, halkaas oo uu ku bilaabayo booqasho rasmi ah oo socon doonta shan maalmood.

Safiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland si rasmi ah u soo dhoweyn doono Madaxweynaha Israa’iil, iyadoo labada Madaxweyne ay yeelan doonaan kulan laba-geesood ah oo rasmi ah. Waxa kale oo la qorsheeyey inay si wadajir ah uga qayb galaan qado sharafeed heer sare ah, ka dibna ay war-saxaafadeed u wada jeediyaan warbaahinta caalamiga ah.

Inta lagu guda jiro booqashadan, Madaxweyne Cirro ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Difaaca, Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Israa’iil, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Israa’iil.

Safiirka Somaliland ee Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu kulan ballaadhan la yeelan doono in ka badan 200 ganacsato iyo maalgashadayaal Israa’iiliyiin ah, isaga oo booqan doona xarumo waaweyn oo tiknoolajiyadeed iyo goobo taariikhi ah oo muhiim ah.

Haddii ay booqashadani u dhacdo sidii loo qorsheeyey, waxay noqon doontaa mid ka mid ah booqashooyinka diblomaasiyadeed ee ugu sarreeya ee ay Somaliland ku tagto dal kale, xilli ay sii xoogaysanayaan wararka la xidhiidha xidhiidhka sii kobcaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...