Madaxweynaha Mareykanka oo gaarey dalka Turkiga.

Talaado 7 July 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa magaalada Ankara ku soo dhaweeyay dhigiisa Mareykanka, Donald Trump, xilli uu si rasmi ah u furmay shir-madaxeedka gaashaanbuurta NATO oo socon doona muddo labo maalmood ah.

Soo dhaweyntan kaddib, waxaa lagu wadaa in munaasabad rasmi ah loogu qabto dhismaha madaxtooyada Turkiga, halkaas oo ay labada hoggaamiye ku yeelan doonaan wada-hadallo fool-ka-fool ah iyo kulamo.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa xiriirka labada dalka, arrimaha gobolka, iyo xaaladaha caalamiga ah ee taagan, iyadoo la filayo in gabagabada ay si wadajir ah u qabtaan shir jaraa’id.

Shir-madaxeedka NATO ee sannadka 2026, oo ay ku kulmayaan madaxda dawladaha xubnaha ka ah isbaahaysiga iyo hoggaamiyeyaasha dalalka ay bahwadaagta yihiin, ayaa looga hadli doonaa qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: dagaalka Bariga Dhexe iyo Xabbad joojinta Iiraan iyo Mareykanka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...