Madaxweynaha Iiraan oo Sheegay in uu Kulan saacado badan qaatay la yeeshay Hogaamiyaha Iiraan.

Isniin 10 Aog 2026 {HMC}  Madaxweynaha Dalka Iiraan Masuud Pezeshkian ayaa sheegay inuu kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mujtaba Khamenei.

Pezeshkian ayaa sheegay in kulanka uu socday muddo ku dhow toddoba saacadood, isagoo ku tilmaamay kulan “aad u wanaagsan”.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu Hoggaamiyaha Sare kala hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo isku duubnida dalka, xilli Iiraan ay wajahaysa xaalado siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah.

Kulankan ayaa imanaya maalmo kadib markii Madaxweyne Pezeshkian uu sheegay in ay adagtahay in lala xiriiro Hoggaamiyaha Sare, taas oo dhalisay hadal hayn ku saabsan xiriirka labada dhinac.

Maalin ka hor hadalka madaxweynaha, barta rasmiga ah ee Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan ayaa lagu daabacay war sheegaya in Mujtaba Khamenei uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Masuud Pezeshkian.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iraan oo gacanta ku dhigtay markab nooca badda quusa ah ee loo yaqaano Gujiska oo uu leeyahay Mareykanka.

Talaado, 8 Seb 2026 {HMC} Iraan oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay markab nooca badda quusa ah ee Gujiska oo uu Mareykanku leeyahay. Wakaaladda wararka...