Madaxweynaha DFS ayaa si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed.

 Talaado/4/Augsto 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed, kaasi oo lagu lafagurayo muhiimadda ay badaha Soomaaliya u leeyihiin koboca dhaqaalaha, amniga, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta kheyraadka buluugga ah.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa furitaanka ku adkeeyay in badaha Soomaaliyeed ay yihiin hanti qaran oo laf-dhabar u noqon karta horumarka dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta, maareynta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badda si waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, xoojinta amniga badda, la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah iyo dhiirrigelinta maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha ee la xiriira xeebaha iyo dekedaha dalka.

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada, ganacsato, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyeyaal kale.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...