Maamulka Waqooyi Bari oo war ka soo saaray dhacday Aricadeeye ee gobolka Sool.

 Axad 05, Luulyo, 2026 {HMC}  Madaxweynaha Dowlad goboleedka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Aw Cali Fidhiye ayaa guddi u xilsaarey baaritaanka dhacdadii dadka shacabka ah lagu laayay ee 23 bisha June ka dhacday deegaanka Aricadeeye ee gobolka Sool.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Firdhiye ayaa lagu sheegay in guddiga oo ka kooban shan xubnood guddoomiye looga dhigay Wasiirka Caddaaladda Maamulka Waqooyi Bari, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed.

Waajibaadkan xubnahan ayaa ah in ay baaritaan madaxbannaan ku sameeyaan sida uu u dhacay xasuuqa iyo tillaabooyinka ay qaadeen Hay’adaha Amniga ee dowlad goboleedkaasi Waqooyi Bari.

Ku dhawaad 30 ruux ayaa lagu dilay dagaalka ka dhacay deegaanka Aricadeeye, kaasi oo u dhaxeeyay beelo wada deegaannadaasi, iyadoo dadka la dilay ay ku jireen Haween iyo dad da’ ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore ugu baaqday in wada hadal lagu xalliyo dagaalkii Aricaddeeye, si looga fogaado isku dhac kale.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...