Maamulka magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka oo soo bandhigay abaalmarin la siin doono dadka deggan Dubai

Sabti 25 July, 2026 {HMC} Maamulka magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa soo bandhigay abaalmarin la siin doono dadka deggan Dubai , haddii ay qoysaskooda iyo saaxiibbadooda ku casuumaan inay soo booqdaan oo dalxiis ku yimaadaan magaalada Dubai, iyadoo la sheegay qof kasta oo deggan Dubai oo magaalada keena qof dalxiise ah ku casuuma inuu heli doono lacag 3,000 dirhan ah oo u dhiganta 816 doollar, sida uu sheegay wargeyska dawladda Imaaraadka ay leedahay ee The National.

Warbixintan waxaa lagu sheegay barnaamijkan inuu yahay hindise ka yimid waaxda dhaqaalaha iyo dalxiiska ee Dubai, iyadoo barnaamijkan uu soconayo illaa 31 bisha Oktoobar 2026, waxaana la bilaabay ka dib markii tirada dalxiisayaasha ay hoos u dhacday sababo la xiriira dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...