Maamulka KGS oo shaaciyay in ay billaabayaan howlgal la isugu furayo degmooyinka kala xiran

Sabti 13 June 2026 {HMC}Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Shiikh Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta guddoomiyay kulan looga hadlay Amniga deegaannada Maamulkaasi gaar ahaan xaaladda caasimadda KMG ah ee Baydhabo.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga iyo saraakiisha ciidamada kala duwan, kuwaas oo warbixinno ka siiyey Hoggaamiyaha xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga.

Shirka ayaa laga soo saaray go’aamo la xiriira amniga, kuwaas oo ay kamid yihiin in askari aan wadan dareeska ciidamada uusan qori ku dhex wadan karin gudaha magaalada, in baabuurta dagaalka aysan ku dhex socon karin gudaha magaalada haddii aysan ku jirin howlgal.

 

Sidoo kale, Shirka ayaa lagu shaaciyay in dhhawaan ay billaabi doonaan Ciidanka Dowladda heer Federaal iyo Dowlad goboleed howlgallo qorshaysan oo lagu furayo waddooyinka degmooyinka Koonfur Galbeed.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya xilli maalintii arbacadii Doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo lagu doortay Hoggaamiyaha Dowlad goboleedkaasi, Aadan Maxamed Nuur.

 

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

RW Xamsa oo amar ku bixiyay in hubka laga xakameeyo waddooyinka Muqdisho.

Axad, 13, Sep 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa faray laamaha amniga inay adkeeyaan xakamaynta hubka lagu dhex qaato magaalada Muqdisho,...