Kumaandooska Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanno ka tirsay Gobolka Baay.

Talaado 13-October, 2026 {HMC}  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaannada u dhexeeya magaalada Baydhabo iyo deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Hinshiloole ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta kuwaas oo la sheegay inay halkaasi ku urursanaayeen.

Intii uu howlgalka socday ciidamada ayaa weerar ku qaaday goobta ey maleeshiyaadka Argagixisada isku aruursanateen Saraakiisha horkacayay howlgalada ayaa xaqiijiyay dhimashada laba ka mid ah maleeshiyaadka, halka mid kale nolol lagu qabtay.

Howlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor, gaar ahaan Ururrada 171-aad iyo 175-aad ee Guutada 17-aad, Qaybta 1-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaas oo howlgallo qorsheysan ka wada deegaannada gobolka Baay.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaalda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan amniga deegaannada gobolka Baay isla markaana ay ku wiiqayaan awoodda maleeshiyaadka Khawaarijta ee khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka.

Warkan waxaa lagu baahiyay War baahinta Dowladda Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Trump iska fogeeyay baari taankii lagu sameeyay guriga Xildhibaanad ilhaan Cumar,

Talaado 13-October, 2026 {HMC} Madaxweynaha Dalka mareykanka Donald Trump ayaa iska fogeeyay baari taankii lagu sameeyay guriga Xildhibaanad ilhaan Cumar, asigoo ku tilmaamay Qof...