Ku biirista heshiiska Abraham ee dhawaan uu soo jeediyay Trump oo dood adag kala kulmay Wadamada Islaamka.

Sabti 30 May. 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Japan ka soo baxa ee Nikkei Asia, wuxuu ku xaqiijiyay dalalka uu dhawaan Trump u soo bandhigay ku biirista heshiiska Abraham, si ay xiriir diblomaasiyadeed ula yeeshaan Israa’iil inay hadda billaabeen dood arrintaa la xiriirta,

Mr Hakan Fidan ayaa intaa ku daray inay sidoo kale wadaan dadaalo lagu dhisayo isbahaysi difaac oo ay yeeshaan Pakistan, Turkiga, Sacuudiga, Masar , dalal ku yaal Khaliijka iyo xataa Iiraan, tallaabadan wuxuu ku sheegay inay u qaadayaan , sabab la xiriirta Israa’iil inay dabeecad u leedahay inay mar walba yeelato cadow si ay ugu cudurdaarto isku ballaarinteeda dhulalka ay ka qabsanayo dalalka deriska ah.

Wuxuu intaa ku daray; “Waa in aan sameynaa isbahaysi si loo xaqiijiyo amniga dhulkeenna.”

Waxase ku cusub hadalkiisa, waa inuu si cad u sheegay haddii Israa’iil ay oggolaato dhismaha dawladda Falastiin oo ku saleysan xuduudihii 1967, markaa dalalka oo dhan inay diyaar u yihiin inay ku biiraan Abraham, isla markaana ay ku casuumi doonaan isbahaysiga difaac ee ay dhisayaan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...