Koonfurta Kuuriya iyo Soomaaliya oo ka wada Hadlay Weerarada Burcad badeedka Soomaalida.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan kula yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya, Mudane Kang Hyung-shik, waxaana kulankaan Wasiirka ku wehliyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Jeneraal Sulub Axmed Firin, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya ee dhinacyada amniga badaha, horumarinta hay’adaha amniga, la-dagaallanka burcad-badeedda, iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo taageerada farsamo.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Koonfurta Kuuriya taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal si loo horumariyo amniga, nabadda iyo xasilloonida.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo gaaray Dalka Shiinaha.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...