Koonfur Afrika oo dalalka Ethiopia, Malawi iyo Nigeria ka dalbatay in ay bixiyaan 18 Milyan oo Dollar.

Arbaco 12 Aog 2026 {HMC}  Dawladda Koonfur Afrika ayaa dalalka Ethiopia, Malawi iyo Nigeria ka dalbatay in ay bixiyaan 18 Milyan oo Dollar oo ah lacagihii ay Koonfur Afrika ku daabushay dadkii aan sharciga haysan ee waddankaas laga soo masaafuriyey muddooyinkii la soo dhaafay.

Koonfur Afrika ayaa ku doodaysa in lacagtaasi ay tahay mid ay xaq ugu leedahay saddexdan dal iyada oo dalabkeeda u gudbisay safaaradaha saddexdan waddan ee dalkeeda ku yaal.

Sida ay sheegtay warbaahinta Business Insider Africa, Koonfur Afrika waxa ay rumaysan tahay in ay kharash badan ku bixisay sidii dadkan loo soo tarxiili lahaa isla markaana ay hadda doonayso xoolihii ka galay dadka la soo masaafuriyey.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...