Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku qalabaynayo hubka niyukliyarka .

Arbaco 24.June 2026 {HMCHogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku qalabaynayo hubka niyukliyarka .

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi, waxa uu hadalkan Talaadada shalay ahayd ka sheegay munaasabad loo sameeyay markab dagaal oo ku soo biiray adeegga ciidanka badda ee dalkaas.

Kim Jong Un ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday qorshayaal lagu ballaarinayo ciidanka badda.

 

Maalmihii la soo dhaafay, hoggaamiyahan awoodda Kelitalisnimada ah ku jooga ayaa ka sheegay shirka guud ee xisbigiisa talada haya, inuu ballaarin doono xoogagga niyukliyarka, isagoo ku eedeeyay Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka inay gobolka qarka u saareen dagaal niyukliyar ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...