Khasaaraha ka dhashay Duqeeyn Xoogan oo laga duliyay Sh/Hoose.

Arbaco, 10 June 2026 {HMC}. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Qoraal ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu fuliyay iskaashi ay la sameeyeen saaxiibbada caalamiga ah, iyadoo bartilmaameedka uu ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda.

NISA ayaa sheegtay in sarkaalkan uu hore uga badbaaday saddex howlgal oo kala duwan oo lagu beegsaday, balse ugu dambeyn lagu dilay howlgalka ugu dambeeyay.

Hay’addu ma shaacin magaca sarkaalkan la dilay, hase yeeshee waxay sheegtay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada socda ee lagu burburinayo hoggaanka Al-Shabaab laguna wiiqayo dhaqdhaqaaqyadooda ka socda koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo taageero ka helaya saaxiibbada caalamiga ah ayaa bilihii la soo dhaafay kordhiyay howlgallada milatari iyo kuwa sirdoon ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo qayb ka ah qorshe lagu xoojinayo amniga laguna daciifinayo shabakadaha kooxda.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...