Jordan a yaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ka taageerayso dib u dhiska ciidamada

Qamiis 16, July 2026 {HMC}Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Cammaan kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jordan, Jeneraal Yousef Huneiti.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha amni ee gobolka iyo caalamka, caqabadaha dhanka ammaanka, iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada difaaca iyo milatariga.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada shaqeynta si kor loogu qaado awoodda ciidamada loona xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale dhageystay warbixinno ku saabsan horumarka Ciidamada Qalabka Sida ee Jordan, oo ay ku jiraan awoodaha difaaca, tababarrada, layliyada wadajirka ah iyo barnaamijyada horumarinta xirfadaha ciidamada.

Jeneraal Huneiti ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jordan ay leeyihiin xiriir wanaagsan, isaga oo xusay in iskaashiga milatari uu door muhiim ah ka qaato xoojinta awoodaha difaaca iyo is-weydaarsiga khibradaha si loo taageero amniga gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay doorka Joordan iyo hoggaanka Boqor Cabdalla II, isagoo sidoo kale ammaanay xirfadda iyo heerka sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jordan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...