Itoobiya oo ku dhow in ay dhammeystirto mashruuc kale oo biyo xireen ah oo isna laga dhalinaayo koronto.

Jimco, 28, August 2026 {HMC}  Itoobiya ayaa ku dhow inay dhammeystirto mashruuc kale oo biyo xireen laga dhalinayo koronto oo ay ku baxayso $3.38 bilyan , kaasoo noqonaya biyo xireenka labaad ee ugu weyn geeska Afrika oo ku xiga GERD ay horey Itoobiya u daah-furtay.

Mashruucan waxaa laga hirgelinayaa webiga Omo ee koonfur-galbeed Itoobiya.

Mashruucu hadda wuxuu dhaafay 77% dhammaystir, waxaana la filayaa in dhammaan dhismihiisa la soo gabagabeeyo 2029,wuxuuna yeelan doonaa awood koronto oo dhan 1,800 megawatt, taas oo sanadkii dhalin karta ku dhowaad 6,460 GWh oo koronto ah.

Biyo-xireenku wuxuu dhererkiisu yahay 201 mitir, halka kaydka biyuhuna gaari doono qiyaastii 6.5 ilaa 9 bilyan oo mitir kuyuubik.

Webigan ay Itoobiya ka hirgelinayso mashruucan wuxuu ka soo burqadaa buuraleyda Itoobiya, isagoo u qulqula dhanka koonfureed ilaa uu ugu dambayn ku shubmo Harada Turkana ee ku taalla xadka Itoobiya iyo Kenya, iyadoo ujeeddada mashruucan ay tahay inay Itoobiya xoojinayso qorshaha ay doonayso inay noqoto awoodda korontada gobolka , oo dhammaan dalalka Geeska Afrika siin karta koronto jaban, halka ay soo jiidanayso mashriic ay ugu horreeyaan warshado iyo xarumaha xogta iyo dhaqaalaha dijitaalka ah,taasoo sare u qaadaysa dhaqaalaha Itoobiya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Turkiga oo xoojinaayo awooddiisa millateri ee Geeska Afrika.

Friday, 28, August 2026 {HMC} Dowlada Turkiga ayaa xoojinaya awooddiisa millateri ee Geeska Afrika, isaga oo laba markab oo kuwa ciidamada badda ah, TCG...