Isniin 12 Aktoobar 2026 {HMC} Israa’iil ayaa dib ugu celisay Addis Ababa, diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopia Airlines, xilli ay maanta diyaaradda ka degi lahayd Telaabiib, sababta diyaaradan ay u celisay Israa’iil waxaa lagu sheegay in Israa’iil ay oggaatay shaqaalaha diyaaradda inuu ka mid yahay qof u dhashay dalka Indonesia, sida ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil.
Israa’iil ayaa toddobaadyo ka hor u sheegtay shirkadaha diyaaradaha, duulimaadyada ay ku tagayaan Israa’iil inay ka reebaan shaqaalaha la socda ee u dhashay dalalka ay Muslimiinta ku badanyihiin, iyadoo la sheegay in go’aankan looga jawaabayo iskuday la sheegay 30 September, kaaliyaha duuliye waday diyaarad ay leedahay shirkadda FlyDubai oo ku socotay Telaabiib, inuu iskudayay maamulka diyaaradda inuu la wareego oo ku qarxiyo diyaaradda iyo rakaabka Israa’iiliyiinta ee la socday Telaabiib.

