Israaiil oo Bartilmaameedsaneyso mas’uuliyiinta Mareykanka uga qeyb galay wada-hadallada la leh Iiraan.

Sabti 6, June 2026 {HMC} Wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee New York Times ayaa maanta shaaciyay war xiiso leh oo ku saabsan kororka hawlaha sirdoon ee Israa’iil ee lagu bartilmaameedsanayo mas’uuliyiinta Mareykanka ee wada-hadallada la leh Iiraan.

Warbixinta ayaa sheegaysa in hawlaha sirdoon ee Israa’iil ay gaareen heer ay walaac weyn ku abuureen Mareykanka.

Sida lagu sheegay warbixinta, Israa’iil waxay xoojisay dadaallada ay ku doonayso inay si qarsoodi ah ula socoto mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Trump, kuwaas oo ay ku jiraan ergayga gaarka ah ee wadahadallada Iiraan u qaabilsan Trump ee Steve Witkoff iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda Difaaca ee Pentagon-ka.

Ujeeddada Israa’iil ayaa ahayd inay hesho xog sax ah oo ku saabsan qorshaha iyo istaraatiijiyadda Trump ee wada-hadallada uu la lahaa Iiraan.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in hababka ay Israa’iil adeegsanaysay ay ka gudbeen wixii caadi ahaan laga filan jiray dal saaxiib ah, isagoo intaa ku daray in hawlaha sirdoon ee Israa’iil ay noqdeen heer ay ka sarreeyaan kuwa ay sameeyaan qaar ka mid ah dalalka Mareykanka uu cadowga u arko, tallaabadan oo keentay Pentagon-ka inuu gaarsiiyo heerka u sarreeyay ee digniinta laga bixiyay basaasida Israa’iil ee mas’uuliyiinta Mareykanka.

Waa warbixintii labaad oo warbaahin Mareykan ah ay 24 saac gudaheed ku soo bandhigayso xaaladda ka jirta gudaha Mareykanka ee la xiriirta walaaca ka dhashay sida ay Israa’iil u doonayso inay la socoto wax kasta oo ay ku hadlayaan saraakiisha Mareykanka, horraantii maanta warbaahinta NBC News ayaa baahisay in digniinta laga bixiyay basaasnimada Israa’iil inay gudaha Mareykanka gaartay heerkii u sarreeyay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...