Iran oo ku dhawaaqday in weerar ay ku qaaday saldhigga Mareykanka ee ku yaalo Bahrain

Talaado 14 July 2026 {HMC}Subaxnimadii Talaadada, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa soo saaray bayaankoodii toddobaad, iyagoo ku dhawaaqay inay jawaab ka bixiyeen weerarradii uu Mareykanku qaaday saacad ka hor.

 

IRGC ayaa sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen “xarunta isgaarsiinta dayax-gacmeedka iyo dhismaha ay deggan yihiin ciidamada Mareykanka ee saldhigga Juffair ee Baxrayn.”

 

Isla subaxaas, waxa dhacay mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee IRGC, iyadoo laba markab oo shidaal sida lagu beegsaday Marinka Hormuz.

 

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay weerarka, halka ugu yaraan siddeed kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Wakaaladda wararka ee Tasnim, oo ku dhow IRGC, ayaa sidoo kale werisay in weerarro laga fuliyay Kuwait, isla markaana “mowjdo qiiq ah” laga arkay magaalada Manama ee caasimadda Baxrayn.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Maxeey ka wada Hadleen Gudoomiye Jaamac iyo sii hayaha Safiirka xilka kasii degaya ee Mareykanka.?

Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay...