Imaaraadka Carabta oo wada hadalo la yeelanaayo Iiraan.

Jumce, 26 Juun 2026 {HMC} Maalin uun ka dib markii Mareykanku shaaciyay in Imaaraadka Carabta uu billaabay wada-hadallo diblomaasiyadeed oo uu la yeeshay Iiraan, ayaa maanta Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Abdullah bin Zayed Al Nahyan, telefoon kula hadlay dhiggiisa Iiraan, Abbas Araghchi.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, wada-hadalka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda gobolka iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa is-afgaradkii ay Mareykanka iyo Iiraan ku gaareen joojinta colaadda, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo fuliyo qodobada heshiiska iyo in diblomaasiyadda iyo wada-hadalku noqdaan waddada lagu xalliyo khilaafaadka.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

RW Xamsa oo amar ku bixiyay in hubka laga xakameeyo waddooyinka Muqdisho.

Axad, 13, Sep 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa faray laamaha amniga inay adkeeyaan xakamaynta hubka lagu dhex qaato magaalada Muqdisho,...