Iiraan oo saddex jibaartay soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Axad 12 July 2026 {HMC} Wasiirka ku-meel-gaarka ah ee Difaaca Iiraan ayaa sheegay in intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan, aan la joojin mashaariicda soo saarista gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), balse halkii ay ka sii socdeen, wax-soo-saarka drones-ka uu saddex jibbaarmay.

Sarreeye Guuto Majid Ibn-e-Reza ayaa hadalkan ka sheegay Sabtidii kulan wadajir ah oo ay yeesheen mas’uuliyiinta Wasaaradda Difaaca iyo xubnaha Guddiga Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Iiraan.

“Waxaan si fiican uga warqabnaa daciifnimada cadowga, sidoo kalena si buuxda ayaan u garanaynaa awooddeena,” ayuu yiri General Majid Ibn-e-Reza.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Maraykanka iyo Israa’iil ay dagaalka u galeen ujeeddadoodu ahayd inay afgembiyaan nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, balse ay ku guuldarreysteen inay gaaraan hadafkaas.

“Dagaalladii dhowaa waxay muujiyeen in aqoonyahannada Iiraan iyo maalgelinta tiknoolajiyada casriga ahi ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu xoojinayo awoodda difaaca dalka,” ayuu yiri Majid Ibn-e-Reza.

Wasiirka ku-meel-gaarka ah ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay: “Awoodaha difaaca ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, gaar ahaan dhinacyada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waa xariiq aan laga gudbi karin marka laga eego dhinaca amniga qaranka. Marna kama mid ahayn, mana noqon doonaan mustaqbalka, waxyaabaha lagu gorgortamo.”

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...