Sabti 8 Aug 2026 {HMC} Iiraan ayaa soo bandhigtay lix shuruudood oo ay sheegtay in Mareykanku buuxiyo si dib loogu furo marin-biyood Hormuz, sida ay baahisay wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim.
Mareykanka waxaa laga doonayaa;
•Inuusan Iiraan ugu hanjabin si kasta oo ay noqoto ama adeegsan erayo hanjabaad ah, sidoo kalena uusan aflagaadeyn ama meel uga dhicin goobaha iyo waxyaabaha muqaddaska u ah shacabka Iiraan.
•In si buuxda loo soo afjaro dagaalka iyo weerarrada ka dhanka ah Iiraan iyo xulafadeeda ee Lubnaan, Falastiin, Yemen iyo Ciraaq.
•In laga qaado xannibaadda badda ee lagu hayo Iiraan, isla markaana ciidamada badda iyo cirka ee Mareykanka laga saaro agagaarka Iiraan.
•In Iiraan si buuxda loogu magdhabo khasaaraha ka dhashay labadii dagaal ee lagu soo qaaday, sida ay Iiraan sheegtay.
•In laga qaado cunaqabateynta adag ee Iiraan lagu soo rogay, taas oo Tehran ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo lagu ciqaabayo shacabka Iiraan.
•In si shuruud la’aan ah loo sii daayo lacagaha iyo hantida shacabka Iiraan ee la xayiray, kuwaas oo Iiraan ku tilmaantay kuwo la xannibay ama laga qaatay.
•Iiraan waxay sheegtay in shuruudahani ay yihiin dalabyada shacabka Iiraan, oo ay ku doodayso inay shacabkaasi si joogto ah uga muujiyeen fagaarayaasha iyo waddooyinka muddo 160 maalmood ah.
Tehran waxay sidoo kale sheegtay in Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan uusan ka tanaasuli doonin dalabyadan, ha ahaato xilli dagaal ama xilli wadaxaajood.

