Iiraan oo ku hanjabtay in ay jawaab ka bixineeyso weerarada Israa’iil ay ku qaaday Lubnaan.

Axad 14 Juun 2026 {HMC}  Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Dowladda Iiraan ayaa si adag uga jawaabay weerarkii Israa’iil ee Wadanka Lubnaan waxaana uu sheegay in Jawaabta Iran ay soo socoto waqti dhawna la arki doono.

Maxaammad Baqer Zolqadr, Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iiraan, ayaa muujiyay sida ay uga careysan yihiin weerarada Israa’iil ee Lubnaan.:

“Lubnaan waa qayb muhiim ah oo nolosheenna ka mid ah, mana aqbali doonno in lagu xadgudbo khadadka cas ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.” ayuu yiri.

Sida uu baahiyay telefishinka dowladda Iiraan, Zolqadr wuxuu sidoo kale yiri:“Jawaabta dagaalyahannada Islaamka way soo socotaa.”

Hadalladiisan waxay yimaadeen wax yar kaddib markii Israa’iil ay weerartay bartilmaameed ku yaalla koonfurta Beirut.

Sidoo kale, Mohammad Jafar Asadi, ku-xigeenka kormeeraha Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya, ayaa sheegay in:“Shaki la’aan, weerarkan jawaab la’aan lagama gudbi doono.”

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

RW Xamsa oo amar ku bixiyay in hubka laga xakameeyo waddooyinka Muqdisho.

Axad, 13, Sep 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa faray laamaha amniga inay adkeeyaan xakamaynta hubka lagu dhex qaato magaalada Muqdisho,...