Iiraan oo ku eedeysay Taliska Dhexe ee Mareykanka.

Jimco 3, July 2026 {HMC}   Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa bayaan uu soo saaray kaga jawaabay war-saxaafadeedkii ugu dambeeyay ee Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee CENTCOM, isagoo yiri:

“Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ma amni ayuu gobolka u keenay mise amni-darro? Jawaabtu waa mid cad. Ciidamadeenna xooggan waxay caddeeyeen in quwadaha shisheeye aysan xitaa awoodin inay is-difaacaan. Nabadda gobolkeenna waxay sii jiri kartaa oo keliya haddii ay noqoto mid loo dhan yahay oo dhammaan dhinacyada ay ka wada qaybqaataan, isla markaana aysan jirin faragelin shisheeye.”

Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay qabatay shir looga hadlayay amniga gobolka, kaas oo ay martigeliyeen Ciidamada Difaaca Baxrayn, ayna ka qeyb galeen taliyeyaal ciidan oo ka kala socday 12 dal.

Bayaan ay soo saartay CENTCOM ayaa lagu sheegay in kulanka loo qabtay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, kor u qaadidda wada-shaqeynta iyo isu-duwidda dalalka gobolka, iyo ka doodista caqabadaha amni ee ay wadaagaan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

DFS oo Diyaarineyso xayiraado dhaqaale iyo socdaal oo ka dhan ah Lafta-gareen

ISNIIN 7, Sep 2026 {HMC} Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsanayaan tallaabooyin dhaqaale iyo kuwo socdaal oo...